Masaajidka qadiimiga ah ee ku burburay dhul-gariirka Marooko

0
97

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Mid ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee ugu muhiimsan buuraha Atlas ee sare ayaa si ba’an ugu burburay dhulgariirka.

Masjidka Tinmel oo ah masaajid ay dhiseen boqortooyadii Almohad, madaxdii qarniyadii dhexe ee waqooyiga Afrika iyo Isbayn ka talinayay, ayaa dhul-gariirka ku burburay.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Dhaqanka Morocco ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Wasaaraddu waxay go’aansatay inay[ ay Masaajidka] dib u soo celiso, waxayna sameyn doontaa miisaaniyad”, laakiin ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.