Harry Kane Oo Ganaax Loogu Hanjabay Haddii Uu Jabiyo Sharciga Dhar Xirashada Bayern Munich

0
94

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Harry Kane ayaa ku qasban inuu raaco sharci adag oo dhir xirasho ah inta uusan joogo Bayern Munich.

Tan iyo markii uu 100 milyan ginni uga soo wareegay Spurs, Kane ayaa u muuqda mid la qabsaday kubada cagta Jarmalka. Kabtanka Ingariiska waa ciyaaryanankii seddexaad ee taariikhda Bayern Munich ee seddex gool dhaliya labadii kulan ee ugu horeysay ee Bundesliga.

Waxaa intaas sii dheer in Harry Kane uu ku soo jiitay warbaahinta Jarmalka inuu furitaanka shirarkiisa jaraa’id isticmaali lahjada Bavaria, halka uu sidoo kale waqti badan ku bixinayo barashada luqada Jarmalka.

Laakiin inta uu joogo Bayern Munich waxaa qasab ku ah inuu raaco dhowr sharci oo adag oo kooxda u degsan.

Mid ka mid ah waa sharci dhar xirasho oo ay qasab tahay inay raacaan ciyaartoyda Bayern Munich kuwaasoo lagu qasbay xafladaha rasmiga ah ay xirtaa dhar ay soo saartay shirkada Adidas.

Sida ay sheegtay Daily Mail ciyaartoyda ayaa laga saxiixay inay xirtaa dharka ay soo saarto Adidas mar kasta oo ay ka qeyb galayaan xafladaha iyo shirarka ay kooxdu sameyso, waxaa kaliya sharcigaan ka reeban kabaha kubada cagta lagu ciyaaro.

Sharcigaan waa mid aad u adag iyadoo Mario Gotze, Mario Gomez iyo Jan Kirchhoff dhamaantood lagu ganaaxay inay xirteen dhar ay soo saartay shirkada Mareykanka ee Nike halkii ay ka xiran lahaayeen dharka shirkada hishiiska la ah koxda ee Adidas sannadii 2013kii.

Markii ay ka soo wareegeen kooxaha Borussia Dortmund iyo Mainz, Gotze iyo Kirchhoff waxay soo bandhigistoodii ku yimaadeen funaanad ay ka muuqato astaanta Nike, taasoo keentay inay ganaax ku bilowdaan waayahoodii Bayern Munich.