Dadaalo lagu caawinayo Marooko oo bilowday

0
78

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ururada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco.
Agaasimaha howlgallada (Caroline Holt) ayaa sheegtay in xiriirku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka badan boqol iyo toban milyan oo doolar si loo helo baahiyaha ugu daran sida biyaha, nadaafadda iyo hoyga.

Ugu yaraan laba kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, oo inta badan saameeyay tuulooyinka fogfog ee buuraha Atlas.

Maamulka Morocco ayaa cadaadis lagu saarayaa inay u ogolaadaan dalal badan inay caawiyaan.

Gargaarka degdega ah waxa keliya oo laga aqbalay afar waddan oo kala ah Britain, Spain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.