Qeyb cusub oo lagu so kordhiyay Isbitaalka Soomaali Suudaaneys ee Muqdisho

0
121

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa xarigjaray xarunta cusub ee qeybta qaliimada iyo daweynta Wadnaha ee isbitaalka Soomaali Suudaanees oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho, waxaana goob jooga ka ahaa xarigjarkani Wasiiro katirsan XFS iyo Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir.

Goobta ay munaasabada ka dhacday ayaa lagu soo bandhigay macluumad la xariira muhiimada iyo tayada adeegan caafimaad ee ay soo kordhisay isbitaalka Soomaali Suudaanees iyo baahida ay u qabeen bulshada Soomaaliyeed ee kunool gudaha wadanka.

Warbixintan waxaaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.