In ka badan 34,000 oo ku barakacay fatahaadaha Libya.

0
76

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 34,000 oo qof oo ku noolaa deegaannada ay daadadku ku dhufteen ee Liibiya ayaa laga saaray guryahoodii, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Dekadda magaalada Derna, halkaas oo duufaanta Daniel ay ku dhufatay, iyada oo 34,000 oo qof oo degganaa ay hadda barakaceen.

Hay’addu waxay sheegtay inay u baahan yihiin hoy iyo agab aan cunto ahayn, balse in la caawiyo qoysaska ay dhibaatadu saamaysay ay tahay mid adag, maadaama inta badan waddooyinka gobolka ay weli yihiin kuwo biyaha , xannibeen ama burburiyeen.

In ka badan shan kun iyo sadex boqol oo qof ayaa ku dhintay daadadka ku soo rogmaday Bariga dalka Liibiya iyadoo ay weli socdaan howlaha lagu samatabixinayo dadka ku nool aagaas.