Afarta Kooxood Ee Premier League Ee U Soo Baxaya Champions League Oo La Saadaaliyay

0
82

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu u ekaan doono miiska kala sareynta Premier League dhamaadka xiliciyaaree kaan iyo halka ay ku dhameysan doonaan kooxaha waa weyn sida Manchester United, Liverpool iyo Arsenal.

Manchester City ayaa xilli ciyaareedkan durba majaraha u qabatay horyaalka ka dib markii ay badiyeen dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen Premier League.

Dhanka kale Tottenham, Liverpool, West Ham iyo Arsenal ayaa dhamaantood ku wada jira kaalinta labaad iyaga oo leh 10 dhibcood.

Markii ugu horeysay, shan kooxood ayaa u soo bixi kara Champions League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii UEFA ay xaqiijisay in afar kooxood oo kale oo Yurub ah lagu dari doono isku aadka taasoo ku xirnaan doonta wadamada ugu bandhiga wanaagsan dhamaan tartamada UEFA.

Xogta Opta ayaa hadda saadaalisay cidda ku dhammaysan doonta qaybta sare ee miiska kala sarreynta Premier League, iyadoo Manchester United, Chelsea iyo Newcastle loo saadaalinayo inay ku dhammaysan doonaan meel ka baxsan afarta sare.

Kaalinta koowaad waxaa loo saadaaliyay Manchester City oo heshay fursad boqolkiiba 99.93 ah inay u soo bixin doonto Champions League.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta labaad inkasta oo ay xilli ciyaareedkii 2022/23 niyad jab ku dhameysatay iyagoo galay kaalinta shanaad ee kala sareynta horyaalka.

Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore ku soo baxday kaalinta labaad ayaa loo soo saadaaliyay inay seddexaad ku soo baxeyso iyagoo helay fursad boqolkiiba 82.43 ah, waxayna ka horeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee loo saadaaliyay ee Tottenham.

Manchester United ayaa la filayaa inay weyso afarta sarre ka dib markii ay si aan wanaagsanayn ku bilowdeen xilli ciyaareedkooda oo ay ku jirto guuldarooyin ka soo gaaray Tottenham iyo Arsenal.

Dhanka kale, Chelsea ayaa loo saadaaliyay inay ku dhameysan doonto kaalinta 11-aad, taasoo ka dhigan horumar ay sameysay madaama ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta 12-aad.

Waa kan liiska oo dhan:

  1. Man City
  2. Liverpool
  3. Arsenal
  4. Tottenham
  5. Man Utd
  6. Brighton
  7. Newcastle
  8. West Ham
  9. Aston Villa
  10. Brentford
  11. Chelsea