Jadon Sancho Oo Si Badheedh Ah U Diiday Inuu Raaligelin Weydiisto Tababarihiisa

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Jadon Sancho ayaa Diiday inuu raali galiyo Erik ten Hag ka dib markii la waydiistay, waxayna taasi keentay in gabi ahaanba laga mamnuuco kooxda koowaad.

Sancho ayaa tababar kaligii ah sameyn doona ka dib markii uu baraha bulshada ku weeraray tababare Erik ten Hag todobaad ka hor.

War qoraal ah oo ay Man United soo saartay ayaa lagu yidhi: “Jadon Sancho waxa sameyn doonaa tababar gaar ah oo ka fog kooxda koowaad inta xal looga helayo arinta anshaxiisa.”

Tan iyo markaas waxa uu tirtiray qoraalkii uu soo dhigay Twitter ee uu ku weerarayay tababare Ten Hag kaasoo ciyaartii Arsenal ka dib sheegay in sababtii uu Sancho uga soo tagay inay aheyd inuu ku liitay tababarka.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Sancho waxaa gabi ahaanba laga saaray kooxda koowaad ee Manchester United, wuxuuna kaligiis tababar ku sameyn doonaa xarumaha akadeemiga naadiga.

Sancho qeyb kama noqon doono kulanka ay kooxdiisu Sabtida Old Trafford kula ciyaari doonto Brighton ilaa xal laga gaadho.

Talaabada laga qaaday Sancho waxaa ugu wacan sida ay The Athletic sheegtay inuu si cad u diiday inuu raaligeliyo tababare Ten Hag isagoo ku adkeysanaya in laga qaldan yahay weli.