Baladwayne (Radio Beerlula )-Ardayda kulliyadda kombiyuuterka iyo Tiknoolajiyada ee Jaamacada Jobkey Faraceedaa Baladwayne ayaa soo bandhigay tijaabooyiin ay sameeyeen kuwaasi oo ku saabsan barnaamijyo lagu maamuli doono Goobaha Caafimaadka ,Hoteelada iyo Website-yada.
Barnaamijyadaan soo bandhigistooda ayaa waxa goob joog ahaa maamulka Jaamacadda , Eng Cumar oo ah hormuudka Kulliyadda IT ee Jaamacada Jobkey iyo qaybaha kale ee ardayda Jaamacada.
Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.