WHO oo ka digtay in dadka ku dhintay dadaadka Liibiya lagu aaso xabaalo wadareedyo.

0
66

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa ku boorriyay mas’uuliyiinta Liibiya in ay joojiyaan in dadka ku dhintay daadadka ee lagu aaaso xabaalo-wadareedyo.

In ka badan 1,000 qof ayaa ilaa hadda lagu aasay xabaalo wadareedyo, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Dadka ayaa lagu booriyay in meydadaka lagu aaso qabuuro si wanaagsan loo calaamadeey, maadaama haddii lagu degdego aasku ay u horseedi karto murugo maskaxeed oo waarta xubnaha qoyska ee ay dadkaas ka dhasheen.