Riyad Mahrez Oo Loola Cararay Cusbitaal Ku Yaalla Sucuudiga

0
43

Xiddiga reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa loola cararay oo la dhigay cusbitaal ku yaalla magaalada Jiddah ee waddanka Sucuudi Carabia, kaddib markii uu kusoo booday xanuun aan la garanayn.

Xiddigan hore ee Machester City oo xagaagii u wareegay naadiga Al-Ahli ayaa dareemay xanuun saqidii dhexe ee Sabtidii, waxaana loo qaaday cusbitaalka isla habeennimadii iyadoo xaaladdiisuna adkayd.

Warbaahinta waddanka Sucuudiga ayaa ku warramaysa in xanuunka Riyad Mahrez loo malaynayo in uu ku sumoobay cunto, kaddib markii uu maqaaxi ku taalla magaalada ka qaatay cunto fudud.

Qaar ka mid ah waraahinta Sucuudiga ayaa soo sawiray muuqaalka Riyad Mahrez oo awoodi waayey in uu neefsado oo uu si dabiici ah u qaato naqaska, isla markaana lagu xidhay Oxygen.

Xaaladda laacibkan ayaa la sheegay in uu kasoo raynayay saacadihii ugu dambeeyey oo ay kooxdiisu rajaynayso in uu dheeli karayo mar kale, inkasta oo aanay war rasmi ah soo saarin kooxdiisu.

 

Riyad Mahrez oo si degdeg ah ula qabsaday horyaalka waddanka Sucuudiga oo uu laba gool ka dhaliyey, laba kalena caawiyey shantii kulan ee ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa ayaa waxa hantaaqo ku noqday xanuunkan kusoo booday.