Aqoon is weydaarsi ku saabsan muhiimadda nabadda oo laga daah furay Kismaayo

0
63

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan muhiimadda ay diinteena suuban siisay Nabad gelyada.

Kulankan Aqoon kororsiga ah ayaa loo qabtay Culimada magaalada Kismaayo, Dhalinyarada, Odayaasha dhaqanka iyo haweenka waxaana ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Mudane Maxamed Yuusuf Cumar, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Aweys Maxamed Xuseen, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Guddoomiyaha Gobolka Jubbada hoose, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka iyo marti Sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.