Shil diyaaradeed oo ka dhacay Brazil.

0
91

Baladwayne ( Radio Beerlula )-14 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Amazon ee dalka Brazil xilli cimilo xumo ay jireen.

Diyaaradan yar ayaa waxa ay ku dhoweyd dhamaadka safar 400km ah oo ah inta u dhaxeysa magaalada Manaus ee xarunta gobolka Amazonas iyo magaalada kaymaha fog ee Barcelos ka hor inta aysan burburin.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarna oo kala ah 12 rakaab ah iyo labo shaqaale ah ay ku dhinteen shilkaasi.

Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

Xoghayaha amniga ee gobolka Amazonas Vinicius Almeida ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in diyaaradda ay burburtay ka dib markii ay ka dhamaatay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan markii ay ku soo degtay magaalada Barcelos xilli roobaad daran uu da’ayay wax aragana uu aad yaraa.