Dhismaho loogu tala galay wasaaraddo ka mid ah Jubbaland oo laga dhagax dhigay degmada Luuq

0
113

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa degmada Luuq ka dhagax dhigay dhismaha iyo dib u dayactir lagu sameen doono guryo la qorsheeyay in ay noqdaan xarumaha Wasaaradaha Qorsheynta iyo Howlaha Guud ee degmada Luuq.

Dhagaxdhigan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Jubbaland, maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq.

Warbixintaan waxa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.