Shil ay ku lug laheyd diyaarad ay leeyihiin militariga Talyaaniga oo ay dad ku dhinteen.

0
55

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ayaa burburtay xilli ay dhoola-tus ka sameynaysay magaalada Turin, taasoo keentay geeri naxdin leh oo ku timid gabar shan jir ah oo gaari saarneyd.

Duuliyaha ayaa ka badbaaday wuxuuna diyaaradda ka booday wax yar uun ka hor inta aysanburburin, taas oo sababtay in uu dab xoog leh ka dhaco meel u dhow Garoonka Turin.

Gabadha walaalkeed oo sagaal jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, halka waalidkoodna uu soo gaaray dhwaac gubasho ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa ku tilmaamay shilkan “musiibo aad u xun.”

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Talyaaniga, baaritaan hor leh ayaa muujinaya in diyaaradda ay ku dhacday xayn shimbiro ah, lagana yaabo in ay sababtay in xayawaan uu galo matoorka taas oo keentay cilladda sababtay in diyaaradda soo dhacdo.