Xiddiga Garoonka Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Dubatay Everton

0
69

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa gaartay guusheedii afaraad ee shan kulan oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka ka dib markii ay guul ciriiri ah oo 1-0 ah ka gaareen Everton oo ku jirta seddexda kaalimood ee looga dhaco Premier League.

Everton ayaa dooneysay inay jahwareeriso Arsenal ilaa iyo markii uu Leandro Trossard u dhaliyay goolka gusha qeybtii labaad taasoo ka micno aheyd inay seddex dhibcood oo ay u qalmeen dib ugula laabtaan London.

XIDDIGA GAROONKA: MARTIN ODEGAARD (ARSENAL)

Waa xiddig mihiim ahaa madaama ay la ciyaarayeen koox difaac adag xiratay, Wax walba oo wanaagsan oo ay Arsenal sameyneysay waxaa ku lug lahaa Odegaard, isagoo u diiday ciyaartoyda Arsenal inay walwal muujiyaan markii ay arkeen saacada oo sii socota iyo goolal la’aan.

Wuxuu ka qeyb qaatay goolkii guusha ee koornadii laga shaqeeyay, waxaana nasiib darro ku aheyd inuusan gool dhalinin markii uu boos ka helay Everton. Wuxuuna ahaa xiddigii baasaska Arsenal isku xirayay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Everton: Pickford 8, Mykolenko 8, Tarkowski 8, Branthwaite 8, Young 6, McNeil 6, Gueye 6, Onana 6, Danjuma 6, Doucoure 6, Beto 6

Subs: Patterson 6, Calvert-Lewin 6, Chermiti 6, Garner 6

Arsenal: Raya 7, White 7, Saliba 7, Gabriel 7, Zinchenko 7, Rice 7, Vieira 7, Odegaard, 8 Saka 7, Nketiah 7, Martinelli 6

Subs: Havertz 6, Trossard 8, Gabriel Jesus 6, akehiro Tomiyasu 6