Gudoomiyaha Hay’addaha Sodma oo deeq Gargaar ah kala wareegay Hay’adda Qatar Charity.

0
127

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Munaasabadd oo ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah oo ka kooban 150 tan oo timir ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya,Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.