Nin la sheegay inuu ‘geeriyooday 50 sano ka hor’ oo dib u soo laabtay.

0
52

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Joseph Odongo wuxuu ahaa 30 jir markii uu ka tegey aqalka reerkooda ee ku yaalla tuulada Riwa ee gobolka Homa Bay 1972. Muddo 50 sano ah reerkiisu waxba kama aysan ogayn halka uu ku sugnaa ilaa iyo 14ka bishan markii uu dib u soo laabtay isagoo 81 jir ah.

Wargayska The daily nation oo sheekadan qoray ayaa sheegay inuu dib u soo labtay, uuna ogaaday in hantidii uu lahaa oo uuka mid yahay dhul uu waalidkiis ka dhaxlay inay qaateen xubno ka tirsan qoyskiisa o u qaatay inuu dhintay.

Wuxuu ku sheegay sababta uu 51 sano u maqnaa inay ahayd isagoo doonayey inuu ka baaqsado murab dhex mara isaga iyo qoyskiisa.

Odongo oo ku magac dheer Osir Komollo wuxuu sheegay in uu ku noolaa magaalo-xeebeedka Mombasa muddadaas uu ka maqnaa qoyskiisa oo iyagu baadigoobayey.Wuxuu sheegay inuu ku noolaa guri uu lahaa qof ajnabi ah.