Barcelona Oo Xasuuq Ku Bilowday Tartanka Champions League

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa 5-0 ku xasuuqday kooxdaa yar ee reer Belgium ee Antwerp oo daqiiqadihii ugu horreeyey ee bilowga ciyaarta ay kaga takhaluseen.

Barcelona oo sannadihii ugu dambeeyey niyad-jab kala kulmaysay tartanka Champions League ayaa samaysay dhoola-tus, waxaanay nus-dersin goolal ah gadhka u gelisay Antwerp oo ku cusub tartanka Champions League.

 

Xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ayaa iska maydhay murugadii ay badeen Atletico Madrid iyo Chelsea ee uu ku ciiloonayay sannadihii ugu dambeeyey ee ay isku-dhacsanaayeen tarababare Diego Simeone, waxaana uu laba jeer soo taabtay shabaqa labadii qaybood ee ciyaarta.

Joao Felix ayaa furay gool-dhalinta Barcelona daqiiqaddii 11aad oo kubbad uu ku maamulay xerada ganaaxa uu shabaqa ku hubsaday, ka hor intii aanu hadiyad siinin Robert Lewandowski oo uu ka caawiyey goolka labaad ee kooxdiisa oo siddeed daqiiqadood ka dambeeyey midka uu laacibka reer Portugal hoggaanka ku keenay.

22 daqiiqadood markii ay ciyaartu maraysay ayay Barcelona ciyaarta ka dhigtay 3-0, waxaana goolka saddexaad iska dhaliyey Jelle Bataille oo isku leexiyey kubbad si lama filaan ah.

Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay kusii dheeraysan karaysay hoggaanka ciyaarta, gaar ahaan Robert Lewandowski oo khasaariyey kubbado goolal caddaan ah loo fishay, halka Joao Felix oo la siiyey boos xor ah oo aan meel ku xaddidnayn uu shaqo badan ka qabanayay xerada ganaaxa iyo garabka bidix.

Qaybta labaad markii lagu soo noqday ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu Gavi hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Barcelona, halka Joao Felix uu mar kale kusoo laabtay dhalinta goolasha oo uu daqiiqaddii 55aad saxeexay goolka shanaad ee Barcelona.

Raphinha ayaa uu nasiibku diiday oo helay fursado cajiib ahaa, halka Gavi uu fiirsasho la’aan u toogtay goolka dhawr jeer.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 5-0 ay guushu ku raacday Barcelona oo durba kasii fikiri doonta wareegga 16ka maadaama ay ku jirto group jilicsan oo hormada H ay ku wehelinayaan FC Porto iyo Shakhtar Donetsk.

Porto ayaa waxay 3-1 ku garaacday kooxda reer Ukraine oo qaybtii horeba ay saddexda gool ka dhalisay.