Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Ah Ku Furatay Europa League Xilli Uu Jurgen Klopp Khamaaray

0
73

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul soo laabasho ah kasoo gaadhay LASK oo ay ku booqatay waddanka Austria kulanka koowaad ee tartanka Europa League, halkaas oo uu tababare Jurgen Klopp kala soo noqday saddex dhibcood iyo saddex gool.

Liverpool ayaa lagaga naxsaday gool aad u qurux badnaa oo LASK ay la timid qaybta hore, balse rikoodhe uu saxeexay Darwin Nunez iyo laba gool oo ay ku xigsiiyeen Luis Diaz iyo Mohamed Salah oo beddel kusoo galay ayaa keenay in ay Reds guul kula noqoto Merseyside.

Daqiiqaddii 14aad ee bilowga ciyaarta ayaa koorne uu soo laadaySascha Horvath waxa uu bannaanka xerada ganaaxa u dhigay oo inta uu si fiican u maamulay gantaal dhax-qaadsiiyey shabaqa Liverpool oo ay ka xigeen in ka badan 18 ciyaartoy oo labada kooxood ah.

Reds ayaan wax dood ah ka keenin goolkan oo aan marnaba muran geli karaynin, hase yeeshee waxyar kaddib ayay dalbadeen rikoodhe uu garsooruhu ka diiday inkasta oo uu Jurgen Klopp codsanayay in VAR looga soo hubiyo.

Qalad lagu galay Luis Diaz ayaa waxa daqiiqaddii 56aad gool u beddelay Darwin Nunez oo kusoo bilowday ciyaarta kaddib markii uu kaydka kasoo muuqanayay kulamadii kooxdiisa ee xilli-ciyaareedkan.

Goolkan ayaa noqday furaha guusha Liverpool ee sahlay inay laba kalena sii raaciyaan, waxaana toddoba daqiiqadood oo kaliya kaddib gool labaad oo qurux badnaa u dhaliyey Luis Diaz oo ku suntanaa guusha kooxdiisa ee ciyaartan.

Jurgen Klopp isma aanu dhiganin, waxaana uu sameeyey isbeddello isaga oo keenay Mohamed Salah oo uu ku xoojiyey safkiisa, taas oo keentay in ay gool saddexaad keenaan.

Xiddiga reer Masar ayaa kubbad loogu dhiibay xerada ganaaxa waxa uu ula tegay goolhayaha LASK oo uu lugihiisa ka dhax-saaray kubadda dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsanaayeen, waxaanu natiijada ciyaarta ka dhigay 3-1, sidaas ayaanay Liverpool ku heshay guusha.