Shirka maamulada gobolada iyo degmooyinka Jubbaland oo laga furay Kismaayo

0
122

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ka daah furay shirka Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Jubaland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalaynta Jubaland.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya afar qodob oo kalal ah wada shaqaynta maamulada heerarkooda kala duwan iyo jaangoynta baahinta adeegyada bulshada, dhismaha golayaasha deegaanka iyadoo la tashiyo kala duwan lala samaynayo bulshada qeybaheeda kala duwan , arrimaha dib u heshiinta iyo ka shaqaynta nabadgalyada deegaanada iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegannada la xoreeyay.

Warbixintan waxaaa so jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey