Boolis gacanta ku dhigay wiil toban jir iyo walaashiis oo gaari lasoo baxsaday

0
85

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliiska Florida ayaa ka argagaxay kadib markii darawal ay istaajiyeen uu noqday wiil 10 jir ah.

Wiilka iyo walaashiis oo 11 jir ah ayaa lagu joojiyay magaalada Alachua, oo boqolaal mayl u jirta meesha ay kasoo safreen halkaas oo ay sheegtay in hooyadood in ay ku weyday horaantii isbuucaan. Booliiska ayaa sheegay in labadan qof ay qaateen go’aanka baxsashada kadib markii ay hooyadu ka qaadday qalabkii ay isticmaalayeen.

Saraakiishu waxay ogaadeen in “labada caruurta ah ay ka xumaadeen hooyadood sababtoo ah waxay ka qarisay taleefanno iyo qalab kale oo ay isticmaalayeen, waxaana loo sababeeyay in aysan si munaasib ah u isticmaalin”, ayuu yiri xafiiska.

Booliisku waxay intaas ku dareen inaysan jirin sabab lagu aamino in si xun loogula dhaqmay guriga. Hooyada carruurta ayaa saddex saacadood waqooyi u sii socotay Alachua si ay carruurteeda uga soo qaadato booliska.