Arsenal Iyo Tottenham Oo Isla Kufay Kulan Uu Ku Ceeboobay Jorginho Oo Bixiyey Kubbad Dhishay Kooxdiisa

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxaha kubadda cagta Arsenal iyo Liverpool ayaa barbarro ku heshiiyey kulan ay si adag ugu dagaallameen Emirates Stadium oo ay dhibcaha ku qaybsadeen 2-2, taas oo uu qalad xun oo dilaa ah sameeyey Jorginho oo kubbad hadiyad uga dhigay Spurs.

Ciyaar xiiso badnayd oo ay labada kooxood ee isku magaalada ah ee Arsenal iyo Gunners ugu dagaallamayeen midkooda dhibcaha ku horreynaya maadaama ay isku mid ahaayeen, ayaa waxa isku muujiyey Heun-min Son oo laba gool ka dhaliyey Gunners, halka Bukayo Saka uu gool dhaliyey, mid kalena ku qasbay difaaca Spurs inay isku qabtaan.

Heung-min Son ayaa ciyaarta ku furay gool offside ahaa oo daqiiqaddii saddexaad ee bilowga uu ku leexiyey shabaqa isaga oo meel difaacyahannada ka dambaysa ka helay kubbad uu soo laaday Bissouma, hase yeeshee waxa lagu qaaday offside.

Arsenal ayaa heshay fursad waqti hore ay hoggaanka ciayarta kula wareegi karayeen, iyadoo qalad uu sameeyey Udogie uu ka faa’iidaystay Nketiah oo baas qaldan ka qabsaday xerada ganaaxa, waxaase ka badbaadiyey goolhaye Vicario.

Arsenal ayaa la hormartay dhalinta goolasha daqiiqadii 26aad, markaas oo uu difaaca reer Argentina ee Cristian Romero isku qabtay inuu difaaco kubbad uu soo laaday Bukayo Saka, taas oo uu u dhigay lugta bidix kaddibna kaga dhacday jilibka oo ku leexatay dhinaca goolkiisa.

Gabriel Jesus ayaa fursad fiican oo uu hoggaanka ugu sii dheerayn lahaakooxdiisa ka helay xerada ganaaxa, waxaana badbaadiyey goolhaye Vicario, iyadoo James Maddison uu cidhiidhyey Jesus si aanu helin fursad uu si fiican ugu toogan karo goolka.

David Raya ayaa muujiyey sababta uu u noqday goolhayaha koowaad ee Arsenal ee booska looga saaray Ramsdale, kaddib markii kubbad ay isku soo dhiibeen Son iyo Johnson oo gool loo filanayay uu si lama filaan ahaa ku badbaadiyey, isaga oo dhinaca midig bootin cajiib ah u sameeyey.

Dhamaadka qaybta hore oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Tottenham keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Heun-min Son oo ahaa geesiga la saaxiibay shabaqa Arsenal, isaga oo dhamaystiray kubbad uu ka helay James Maddison, iyadoo qaybta horena lagu kala nastay 1-1.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay sagaal daqiiqadood ayaa Arsenal loo dhigay rikoodhe kaddib markii kubbad uu soo laaday Ben White ay gacanta kaga dhacday Cristian Romero oo ay u ahayd maalin xun.

Garsoore Jones oo kasoo hubiyey VAR oo looga yeedhay ayaa ku qancay inay kubaddu ku dhacday gacan furan oo leexisay jihadeeda, waxaana sidaas uu ku dhigay rikoodhe uu gool u beedalay Bukayo Saka oo shabaqiisa u weydaartay goolhaye Vicario oo bandhig fiican samaynayay.

Hal daqiiqo oo kaliya ayay ku qaadatay Tottenham inay keento goolka barbarraha, waxaana hadiyad siiyey Jorginho oo bddel kusoo galay.

Maddison ayaa kubadda ka boobay Jorginho oo badhtamaha garoonka joogay, waxaana uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Son oo isaguna lugta midigta u adeegsaday in uu dhamaystiro, waxaanay sidaas ku noqotay ciyaartu barbarro 2-2 ah.

Labada kooxoodba waxay dhamaadkii ciyaarta u dagaallameen inay helaan goolka guusha, ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ay Tottenham u dhowaatay inay gool kusoo xidhato ciyaarta, hase yeeshee waxay ku heshiiyeen barbarro 2-2 ah.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Tottenham ay ku jirto kaalinta afraad ee Premier League oo ay ku haysato 14 dhibcood, waxaanay afartiga goolasha kaga horreysaa Arsenal oo shanaad u dhacday iyadoo Brighton ay xoogsatay kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 15 dhibcood.