Liverpool Oo Cadaadiska Ku Kordhisay Man City, Kaddib Guul Muhiim Ah Oo Ay Ka Gaadheen West Ham

0
57

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadata rikoodhka guulaha xidhiidhka ah ee xilli-ciyaareedkan, waxaanay xoogsatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kali ku noqotay, kaddib markii ay 3-1 ku karbaasheen West Ham United oo marti ugu ahayd Anfield.

Saddex gool oo midkood rikoodhe ahaa oo ay qaybsadeen Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Diogo Jota ayaa Liverpool siiyey guul ay u qalmaysay oo ay cadaadiska ugu kordhinayso Man City oo hoggaanka kaga haysa laba dhibcood.

Liverpool oo ay ahayd ciyaartii lixaad ee horyaalka Premier League ah ee ay dheesho, ayaa shantii ugu dambaysay guuleysatay halka kulankii koowaad ay barbarro ku furteen iyaga oo marti u ahaa Chelsea.

Guusha ay ka gaadheen West Ham ayaa ka dhigan in ay yeesheen 16 dhibcood ka haystaan 18 suurtogal ahaa, waxaanay laba dhibcood ka dambeeyaan Man City oo badisay dhamaan lixdii ciyaarood ee ay dheeshay.

Daqiiqaddii 16aad ayaa Mohamed Salah loo dhigay rikoodhe markii uu xerada ganaaxa dhexdeeda lagu riday, waxaana uu rikoodhahaas u dhamaystiray si xarrago leh.

Reds oo ahayd kooxda kubadda ku gacan-sarraysay ayaa iska khasaarisay fursado badan, halka West Ham ay difaaca iyo khadka dhexe kasoo dhisayay kubbad baqasho la’aan ah.

Daqiiqaddii 42aad ayay kooxda martidu keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Jarrod Bowen oo madax iskula tuuray kubbad hoosaysay oo dhinaca midig uu kasoo qaaday Coufal, waxaana lagu kala nastay 1-1.

Jurgen Klopp ayaa soo dardaaray ciyaartoydiisa waqtigii nasashada isaga oo tusay halka ay ka liigayso West Ham ee ay tahay inay ka dilaan, inkasta oo Hammers ay difaac adag ku jirtay.

Darwin Nunez ayaa jabiyey darbiga difaaca West Ham daqiiqaddii 60aad, kaddib markii uu laad xooggan weydaariyey goolhaye Alphonse Areola, ciyaartana ka dhigay 2-1.

Laba beddel oo uu hal-mar wada sameeyey tababare Jurgen Klopp ayaa sii xaqiijiyey guusha kooxdiisa, waxaanu isasoo raacieyey Diogo Dalot iyo Cody Gakpo oo firfircoonaysiiyey weerarka kooxdiisa.

Jota ayaa afar daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray waxa uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu madax kusoo qabtay Van Dijk, taas oo uu lugta midig u adeegsaday dhamaystirkeeda, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 3-1.

Liverpool ayaa guushani ay uga dhigan tahay in ay badisay lix ka mid ah toddobadii ciyaarood ee dhamaan tartamada ee ay dheeleen xilli-ciyaareedkan, halka ay kulanka kalena barbarro galeen.