Pedri Oo Ka Tegaya Barcelona Iyo Kooxda Weyn Ee Reer Yurub Ee Afduubanaysa

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa waajahaysa weerar ay kala kulmi doonto mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub oo ka doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Pedri, kaas oo ay suurtogal tahay in Xavi Hernandez iyo Joan Laporta ay ceshan kari waayaan.

Pedri oo ay da’diisu tahay 20 jir, ayaa sannadkii 2020, waxay kaga soo iibsadeen Las Palmas €20 milyan oo Euro oo kaliya, waxaana uu ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka LaLiga, Copa del Rey iyo Supercopa de Spana.

Kubbad-sameeyahan oo kasoo kabanaya dhaawac, ayaa waxa bartilmaameed ka dhiganaysa kooxda horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich oo la sheegay in ay qorshaha ay kusoo xero-gelinayso u diyaarsatay €120 milyan oo Euro.

Bayern Munich waxa ay go’aamisay, in xagaaga dambe ay si adag ugu dagaallanto Pedri, si uu u noqdo hoggaamiyaha khadkooda dhexe ee xilli-ciyaareedka 2024/25, iyaga oo dhinaca kalena ogsoon in ay dhibaato badan kala kulmi karaan Barcelona.

Wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in Bayern Munich oo si bilaash ah kula soo wareegtay kubbad-burburiyaha Konrad Laimer xagaagii tegay, in ay sidoo kale doonayso kubbad-sameeye tayadiisu sarrayso oo ka garab ciyaara Joshua Kimmich iyo Jamal Musiala, iyadoo tababare Thomas Tuchel uu saluugsan yahay Leon Goretzka oo uu kaydka u diray.

Barcelona oo ay dhibaatooyin dhaqaale haystaan, ayaa la sheegay in ay suurtogal tahay inay ogolaato inay €120 milyan oo Gini ku iibiso Pedri oo qandaraaskiisu soconayo illaa June 226.

Pedri oo sannadkii 2021 ku guuleystay abaal-marinta Golden Boy ayaa waxa uu isugeyn u saftay kooxdiisa 111 ciyaarood oo uu u dhaliyey 17 gool iyo siddeed kale oo uu caawiye ka noqday.