Waa Kuma Tababaraha Stamford Bridge Lagu Arkay Kulankii Chelsea vs Aston Villa Ee Saska Ku Abuuray Pochettino?

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Garoonka Stamford Bridge ayaa waxa shalay lagu arkay tababare khalkhal ku riday Muaricio Pochettino oo uu cadaadis badan saaran yahay, kaas oo imaatinkiisa garoonka uu soo kordhiyey tuhunka ah in ay suurtogal tahay in shaqada laga caydhiyo Pochettino.

Ciyaartii Chelsea ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Aston Villa ay martida ugu ahayd, waxa si lama filaan ah garoonka Stamford Bridge u yimid tababaraha reer Spain ee Julen Lopegeui oo hore usoo layliyey kooxaha Wolves, Sevilla, Real Madrid iyo xulka qaranka Spain.

Blues oo guul-darradii shalay ay sababtay inay kaalinta 14aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta Premier League, isla markaana sannadkan dhamaadka kusii dhow ee 2023 kaliya guuleysatay lix ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, ayaa guul-darradii shalay ay qas ka abuurtay qolka labbiska, iyadoo Pochettino uu canaantay ciyaartoydiisa.

Julen Lopetegui oo shaqo la’aan ah, ayaa xilli-ciyaareedkii hore waxa uu Wolves ka badbaadiyey inay heerka labaad u dhacdo isaga oo kasoo saaray khadka cas oo meel dhexe keenay inkasta oo waqti dambe loo magacaabay.

57 jirkan ayaa ka tegay Wolves ka hor intii aanu furmin xilli-ciyaareedku, waxaana la rumaysan yahay in ay isku dhaceen maamulka kooxda oo ay isku maandhaafeen siyaasadda suuqa ee naadiga.