Dagaal ba’an oo dhex maray malaayiin shimbira ah iyo dalka Tanzania

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan shan milyan oo shimbiro ah ayaa lagu dilay dalka Tansaaniya, sida ay mas’uuliyiintu ku sheegeen faallooyin lagu sheegay warbaahinta gudaha.
Shimbirahan ayaa duullaan ku qaaday in ka badan 1,000 hektar oo dhul-beereed bariis ah oo ku yaalla gobolka Manyara ee waqooyiga dalka, iyagoo geystay khasaare baaxad leh.
Saraakiisha ayey in ka badan afar maalmood ku qaadatay isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay shimbirahan ugu buufiyaan , sida uu sheegay wargeyska Tanzania Times.
Shimbiraha soo duulay ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan in ka badan 50 tan oo cunto ah maalin kasta, sida uu sheegay Gadman Mbuko oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Dhirta iyo Sunta cayayaanka ee Tansaaniya.
Shimbirahan oo ah nooca loo yaqaan Quelea, oo loo maleynayo inay yihiin noocyada shimbiraha ee ugu badan adduunka, waxay inta badan burburiyaan badarka, sida bariiska iyo sarreenka.
Sannadkii 2021-kii, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa ku qiyaastay dalag qiimihiisu gaarayo $50m oo doolar in ay burburiyaan shimbirahu sannad walba, tan oo ka dhacda inta badan dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.