“Waa Mustaqbalka Kooxda…” – Dani Ceballos Oo Ammaanta Ka Haysan Waayey Xiddig Aanad Garanayn

0
99

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Real Madrid waxay leedahay mid ka mid ah kulliyadaha ugu wanaagsan kooxaha kubadda cagta adduunka, waxaanay soo saartaa oo ay ku quudisaa naadiyada kale xiddigo da’yar ah oo qaarkood noqdaan laacibiin waaweyn.

Mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ah ee hadda kasoo baxaysa ee indhaha lagu hayo, waa Miguel Angel Moran Ibanez oo magaciisa loosoo gaabiyo MAMI, kaas oo sidoo kale qabsaday ciyaartoyda kooxda koowaad oo ammaan kala daashay, inkasta oo aanu Carlo Ancelotti fursad ka siinin kooxda koowaad.

19 jirkan oo ka caawiyey kooxda tababare Alvaro Arbeloa ee Juvenil A ee Real Madrid in ay xilli-ciyaareedkii hore bandhig fiican ka samayso garoomada, ayaa waxa bilihii ugu dambeeyey indhaha lagu hayay heerka ay gaadhsiisan tahay hibadiisa ciyaareed iyo tayadiisa cajiibka ah oo qof walba oo arkay soo jiidatay.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa ka dkaysan kari waayey Miguel Angel oo saxaafadda la wadaagay hibooyinka cajiibka ah ee uu ku adkay da’yarkan.

Muuqaal lagu soo ururiyey googooska bandhigyo uu sameeyey Miguel Angel oo lasoo geliyey baraha Twitterka, ayaa waxa ka falceliyey Dani Ceballos oo qoraal uu ku sii share-gareeyey ku yidhi: “Kani waa mustaqbalka kooxda.”