Waqtiga Uu Trent Alexander-Arnold Kusoo Laabanayo Garoomada Oo La Shaaciyey

0
80

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u heshay difaaceeda midig ee Trant Alexander-Arnold oo kasoo kabtay uu muddo bil ah u jiifay oo kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa ee ka hor kulamadii caalamiga ahaa ee xulalku ay horraantii bishan u baxeen.

Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders ayaa saxaafadda u sheegay in Alexander-Arnold uu kusoo laabtay tababarka oo uu mar kale taam yahay, isla markaana uu toddobaadka soo socda diyaar u yahay inuu ciyaaro.

Alexander-Arnold oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa ka maqnaa, sidoo kalena aan xulkiisa England lagu darin kulamadii isreeb-reebka Euro 2024, ayaa waxa kale oo uu diyaar u yahay oo uu qayb ka noqon doonaa ciyaarta caawa ee Carabao Cuap ee Leicester City ay ku kala-calaf qaadayaan wareegga saddexaad oo midkood ay afar-dhamaadka iska xaadirin doonto.

Joe Gomez ayay u badan tahay in uu sii xajisan doono booska difaaca midig caawa, maadaama Alexander-Arnold aanu muddo bil ah ciyaarin oo ay tahay in taxadar laga sameeyo dhaawaciisa.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa si weyn u tabtay Alexander-Arnold kulamadii uu maqnaa, iyadoo ciyaartii Aston Villa ee uu ku dhaawacmay uu bixiyey kubbado hadiyado ahaa oo sababay in kooxdoodu ay guul soo laabasho ah gaadho.