Haween Tahriibayaal oo ku Xayirnaa Gaari Xamuul Oo la badbaadiyay.

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Lix haween ah ayaa laga soo badbaadiyay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah oo gudaha dalka Faransiiska,

Afar qof ee u dhashay dalka Vietnam iyo labo Ciraaqi ah, oo loo malaynayo inay yihiin tahriibayaal, ayaa ku go’doonsanaa gudaha gaariga , iyagoo argagaxsan aadna ugu adkaatay inay neefsadaan.

Mid ka mid ah dadkaan ayaa fursad u helay y inuu bixiyo xogta isagoo ku sugan gudaha gaariga xamuulka ah.

Booliiska, ayaa joojiyay gaariga xamuulka waxaana aay xireen darawalkii gaariga xamuulka ah. Waxa ay sidoo kale fureen baaritaan.