Turkiga oo joojiyay xaflad lagusoo bandhigi lahaa filin “dacaayad ah.

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Turkiga ayaa joojiyay Bandhigga Filimada ee (Golden Orange) maalmo ka hor inta uusan bilaaban.

Bandhiga oo ah mid ka mid ah hawlaha shaleemada ee ugu waaweyn dalka Turkiga ayaa waxaa laga mamnuucay soo bandhigista filimka Dokumentariga ah ee “Hakmu Law”, waxaana munaasabadan ay ku saabsan tahay dhaqtar iyo macalin laga eryay shaqadii dowladda kadib Isku daygii afgambi ee fashilmay ee Turkiga ka dhacay 2016-kii.

Waxaa lagu tilmaamay in filinku yahay dacaayad argagixiso, eedeymahaas waxaa beenisay agaasimaha filimka, Najla Demirci.

Arrintan ayaa keentay khilaaf weyn, kaddib markii ay shaqada ka tageen agaasimeyaal badan, xubno xeerbeegti ah ayaa shaqada ka tagay, iyagoo ka soo horjeeda faafreebka iyo “khatarta lagu hayo” xorriyadda hadalka. Sidaa darteed, waxay keentay in la joojiyo xafladda