Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray Waddada Taleex oo dhawaan uu maamulka Gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay, isaga oo kaa shanaya maamulka Degmada iyo bulshada deegaanka.
Munaasbada Xarig jarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada rayidka.
Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.