Baladweyne (Radio Beerlula)-Cilmibaaris cusub oo lagu sameeyay gudaha waddanka Koonfur Afrika, ayaa lagu ogaaday in xayawaanada duurjoogta ah ay ka cabsadaan codka bani aadanka in ka badan inta ay ka cabsadaan codka libaaxa.
Sanisyahano ku sugnaa beerta xayawaanada ee Kruger ayaa codad ku baahiyay sameecado cod sare leh oo la dhigay biyo hoostood, codadkaas oo ahaa dad si caadi ah u sheekeysanaya
Cilmbibaarista ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad sagaashan iyo shan boqolkiiba xayawaanadu ay caroodeen kadibna ay carareen, markii ay maqleen codadka.
Waxyaabaha lagu ogaaday daraasadaan ayaa sheegaya in xaywaanada oo ay ku jiraan cantalyaaga, maroodiga, gariga, harimacadka iyo wiyisha ay fahansan yihiin in la macaamilista bani’aadanku ay tahay mid aad u qatar badan.
Balse sidaas si ka duwan codka libaaxa gurxamaya ayaa diginin qatareed oo sidaas u way naan galin xayawaanada.
Codka dadka sheekeysanaya ee la baahiyay ayaa ahaa mid ay dadku hadlayeen luuqada gaarka ah ee dadka ku nool gobolkaas