Baladweyne (Radio Beerlula)-Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaca waddanka koonfurta Sudan.
xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuley iyo roobab xad-dhaaf ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo ka mid ah dadka koonfurta Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran.
in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ayaa ku tiirsanaan doona gargaar bani’aadannimo.