Inter Miami Oo Ka Hadashay Waxa Ka Jira In Lionel Messi Ku Laabanayo Barcelona

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Inter Miami ee Tata Martino ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xiddiga kooxdiisa ee Lionel Messi uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu heshiis amaah ah ku tegi doono, kaddib markii ay Inter Miami ka hadhay horyaalka waddanka Maraykanka oo maraya marxaladda isreeb-reebka.

Inter Miami ayaa waxa saaka 1-0 kaga badisay Cincinnati, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Lionel Messi iyo ciyaartoyda kooxdiisu ay gelayaan fasax shan bilood ah oo uu horyaalku xidhnaan doono, waxaana ay kusoo laaban doonaan garoomada dhamaadka bisha February.

Ciyaartoyda waaweyn ee horyaalka Maraykanka taga, ayaa waxa ay samayn jireen in waqtigan oo kale ay dib ugu soo laabtaan Yurub oo ay tababarka la qaataan kooxahoodii hore ama naadiyo kale, kaddibna ay amaah ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli-ciyaareedka.

David Beckham, Thierry Henry, Patrick Vieira, Wayne Rooney iyo ciyaartooyo kale ayaa sidaa sameeyey, waxaana maalmihii tegay ay warbaahinta Spain sheegaysay in Lionel Messi uu kusoo laaban doono Barcelona oo uu tababarka ku qaadan doono inta laga gaadhayo bisha January oo uu u saxeexi doono heshiis amaah lix bilood ah.

Tababare Tata Martino oo hore usoo layliyey xulka qaranka Argentina, lana rumaysan yahay in Lionel Messi uu sabab u ahaa in loo magacaabo tababaraha Inter Miami, ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in Lionel Messi uu ku laabanayo Barcelona, waxaanu yidhi: “Maxa uu u tegayaa tamashle? Waa laga yaabaa in uu booqdo magaalada Barcelona.

“Wixii aan intaa ahayn, anigu waxba kama ogi.”