Dalal u ololeynaya in la mamnuuco guurka qaraabada.

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaar ka mid ah dalalka dunida ayaa waxaa ka bilaabatay suurtogalnimada in la mamnuuco guurka dhex mara dadka dhalasho ahaan ah qaraabo aad isugu dhow ah sida dadka ilmo adeerka iyo kuwa ilmo habreedka ah.

Magaalada Gothenburg ee Sweden kooxaha Social Democrats iyo Sweden Democrats waxay ku baaqayaan in la qaado olole dadka lagu barayo wax ay ku tilmaameen “khatarta caafimaad ee la socota”.

Norway ayaa dhaqdhaqaaq noocaas oo kale ah uu iyadana ka socdaa.

Mowjaddaas oo kale waxay so gaartay Denmark, inkastoo siyaasiyiinta dalkaas ay ku gacan sayreen in wakhtigan la mamnuuco guurka qaraabada.

Arrintan ayaa loo aanaynayaa inay salka ku hayso qulqulka dadka soo galootiga ah ee dalalkaas imaanaya.

Guurka dhex mara ilma adeerrada iyo ilma habreedyada koowaad ama labaad ee dunida ayaa lagu qiyaasaa 10% guurka guud ee dunida.

Dadka u ololeeya guurka qaraabada ayaa aaminsan in mamnuucista guurkaas uu yahay mid faquuq keenaya.