Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxa xidhiidhka garsooreyaasha Premier League ee Howard Webb ayaa waxa uu shaaciyey in isbeddel weyn uu ku sameeyey VAR oo laga arki doono kulamada horyaalka Premier League, waxaana uu ballan-qaaday in aan la arki doonin gool dambe oo si qalad ah loo diido, kaddib fadeexaddii ciyaartii Tottenham ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool.
Gool uu Luis Diaz u dhaliyey Liverpool ayaa laga diiday iyadoo garsoorku ku sheegay offside, laakiin muuqaallada ayaa caddeeyey in aanu offside ahayn, halka xidhiidhkii dhexmaray garsooraha VAR ee Darren England iyo Simon Cooper oo ahaa garsooraha dhexe uu qalad ka dhacay.
Howard Webb oo ah madaxa xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ee Howard Webb ayaa damaanad-qaaday in aanay mar dambe dhici doonin wixii ka dhacay ciyaartii Liverpool iyo Tottenham, waxaanu yidhi: “Waxa la qaadayaa tallaabooyin dambe oo lagu xaqiijinayo in aanu mar dambe dhicin qalad noocan oo kale ah.
“Waxa aanu nahay binu-aadam, qaladna wuu dhacayaa inta aad nooshahay laakiin waa in aau isbeddel samaynaa si aanu u xaqiijino in aanay imanin qaladaad saamayntan oo kale yeesha.
“Dhacdadani waxay keentay in la ogaado dhibaatooyin ka jira xidhiidhka garsooreyaasha, waxa aanu doonaynaa in aanu caddayno in garsooreyaasha gudaha garoonka iyo VAR ay isla qaataan go’aan cad, isla markaana ay garsooreyaashu si fiican isku maqlaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Webb waxa uu sheegay in xidhiidhka FA iyo Premier League ay ka wada shaqayn doonaan sidii loo horumarin lahaa qaladaadka dhacaya, iyaguna garsoor ahaan ay dhinacooda sixi doonaan.