Madaxa Horyaalka Sucuudiga Oo Ka Hadlay Qorshaha Ay Liverpool Kaga Xoogayaan Mohamed Salah

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Michael Emenalo oo ah madaxa horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa sheegay in uu isagu si shaqsi ah u doonayo in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah uu yimaaddo dalkaas, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii laacibka reer Masar ay uga soo qaadan lahaayeen waddanka Sucuudiga.

Salah ayaa si weyn loola xidhiidhiyey kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad oo la sheegay in a xataa diyaar la ahayd lacag ka badan £220 milyan oo Gini oo ka dhigaysay ciyaartoygii ugu qaalisanaa adduunyada abid.

Bishii August ayay gilgilantay Liverpool markii ay joogsan waayeen hadal-haynta Sucuudiga ee Mohamed Salah oo isaguna ka gaabsaday in uu warkiisa caddeeyo, waxaana ay wadnaha farta ku hayeen illaa maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciiyaartoyda ee September.

31 jirkan oo si fiican ku bilowday xilli-ciyaareedkan oo ka caawiyey Liverpool in ay saddex dhibcood ka dambayso kooxaha hoggaanka haya, ayaa waxa la warinayaa in xagaaga dambe uu ka degi doono Sucuudiga.

Michael Emenalo oo ah madaxa horyaalka Sucuudiga ayaa waraysi uu bixiyey lagu weydiiyey waxa ka jiray damacoodii Mohamed Salah, waxaana uu si aan gabbasho lahayn u qiray inay doonayeen, waliba uu isagu hormood u ahaa qorshahaas.

“Mohamed Salah waanu soo dhoweynaynaa mar walba, mana jiro qof lagu cadaadinayo ama qasbayo in uu yimaaddo halkan.” Ayuu yidhi Michael Emenalo.

Waxa uu kusii daray: “Aniga waxa uu ii yahay ciyaartoy aan si shaqsi ah u jecelahay. Haddii ay dadku doonayaan in uu yimaaddo, lana helo fursad aanu kagala shaqayno kooxaha in ay lasoo wareegaan, aad ayaan ugu farxi lahaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salaha ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa Liverpool ka caawiyey toban gool oo iskugu jira kuwo uu dhaliyey iyo kuwo uu caawiyey.