Wada-hadallo mar kale u furmay xukuumadda iyo mucaaradka Kenya

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wada-hadallo laba geesood ah oo u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka dalka Kenya ayaa mar kale ka furmay dalkaasi kadib muddo ay wada-hadallada hakad ku jireen.

Dhinacyada ayaa filayaa inay ka wada hadlaan qodobo ay ka mid yihiin arrimaha masiiriga ah, cadaaladda, doorashooyinka, iyo qodobo kale.

Bulshada dalkaasi ayaa aaminsan hadii wadahadalladan ay ku dhamaadaan is faham in guulo laga gaari karo arimaha masiiriga ah ee Kenya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saari doona sidii xal loogu heli lahaa sicir bararka ka jira dalkaasi si bulshada ay u helaan raashiin iyo shidaal raqiis ah.