Marwada madaxweynihii hore ee Gabon oo xabsiga loo taxaabay.

0
51

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qareenka u doodaya xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon Ali Bongo ayaa sheegay in xabsiga la dhigay.

Waxa uu ku tilmaamay dacwadda musuqmaasuqa ee Sylvia Bongo mid sharci darro ah.

Bishii Sebtembar waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay lacago is daba marisay, hanti la xaday iyo been abuur.

Wiilka ay dhashay marwadii hore ee madaxweynaha, Noureddin Bongo Valentin, ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay musuqmaasuq, waxaana uu ku jiraa xabsiga ka hor maxkamadeynta.

Madaxweynaha xilka laga tuuray ayaa waxaa siidaayay ciidamada Militariga, waxaana loo fasaxay in uu caafimaad dibadda ah aadi karo haddii uu doono.

Waxa uu xukunka la wareegay markii aabihiis dhintay 2009-kii ka dib afartan sano oo uu xukunka hayay.