Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Reer Miyiga ah waxaa la aas aasay 1995-tii waxaana lagu aas aasay Shirweynihii afaraad ee Haweenka Adduunka ee ka dhacay magaalada Beijing,
Iyadoona loogu dhawaaqay si rasmi ah 2007.
Gaaritaanka sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka maaha kaliya waxa saxda ah ee la sameeyo laakiin waa shay muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah saboolnimada ba’an, gaajada iyo nafaqo-xumada.
In haweenka la siiyo fursado la mid ah tan ragga waxay kor u qaadi kartaa wax soo saarka beeraha 2.5 ilaa 4 boqolkiiba gobollada ugu saboolsan iyo tirada dadka nafaqo-xumada hayso waxaa la dhimi karaa 12 ilaa 17 boqolkiiba.
Haddana waxa ay la kulmaan takoor weyn marka ay timaado lahaanshaha dhulka iyo xoolaha, sinaanta mushaharka, ka qayb qaadashada hay’adaha go’aaminta, iyo helitaanka kheyraadka, deynta iyo suuqa.
Marka loo eego warbixintii ugu dambeysay ee Haweenka Qaramada Midoobay, carqaladaynta suuqyada cuntada iyo tamarta ayaa kaliya sii xoojisay farqiga u dhexeeya lab iyo dheddig, taasoo keentay heerar cunto yari, nafaqo darro, iyo tamar xumo.
Sanadkan ayaa halku dhig looga dhigay “Haweenka reer miyiga ahi waxay wajahayaan dhibaatada caalamiga ah ee qiimaha-nololeed”,
Adduunka oo dhan, nidaamka cuntadu wuxuu ku tiirsan yahay shaqada maalinlaha ah ee haweenka reer miyiga ah. Waxay ciyaaraan doorar kala duwan oo lama huraan ah, min beerista dalagyada iyo habaynta dalaggooda, diyaarinta cuntada iyo qaybinta wax soo saarkooda, hubinta in qoysaskooda iyo bulshadoodaba la nafaqeeyo.
Iskuduwaha wasaarada haweenka Hirshabele ee gobolka Hiiraan Shamso Ciise Aadan ayaa kawarameysa waxyaabaha ay u qabtaan maalintan
Gudoomiyaha Raxmo Cabdi Sheekh ayaa sheegtay in maalintan qiimo weyn uleedahay
Gudoomiyaha ururka Tayo ee Baladweyne Xasan Xuseen Yaxye ayaa shegay in ay fursado waxbarasho oo bilaasha h siiyaan haweenka
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan