Qiimaha shidaalka kenya oo sara u kac ku yimid

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Kenya, oo dhowaanahan sicir-barar uu ka jiray, waxaa sare u sii kacaya qiimaha shidaalka, iyada oo lacag hor leh lagu daray qiimihii hore ee shidaalka lagu iibin jiray.

Arrintan ayaa saamayn xooggan ku yeelatay guud ahaan bulshada, gaar ahaan dadka ku shaqeysta gaadiidka qaada dadweynaha ee takaasida.

Dad badan oo horay u raaci jiray gadiidka Tagaasida ayaa bilaabay ineey lug ku tagaan xarumahooda shaqada iyo kuwa Waxbarashada.

Sicir bararkan ku yimid qiimaha shidaalka kenya ayaa ku soo beegamaya xili hoos u dhac uu ku yimid lacagta shilinka kenya.