David Raya Oo Ka Tashaday Arsenal Oo LABA Bilood Oo Kaliya Uu U Ciyaaray.

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Goolhayaha kooxda kubadda cagta Arsenal ee David Raya ayaa laba bilood oo kaliya kaddib markii uu joogay Emirates Stadium, waxa uu sii doortay naadiga uu doonayo inuu usii dhaafo, iyadoo la ogyahay in Mikel Arteta uu ka dhigay goolhayaha koowaad ee Arsenal oo uu booska uga saaray Aaron Ramsdale.

Raya oo u dhashay waddanka Spain ayay Arsenal amaah kaga soo qaadatay Brentford waxaanay bixinaysaa £3 milyan oo Gini oo lacagta amaahda ah, halka si rasmi ah ay ugu iibsan karayaan £27 milyan oo Gini.

Laacibkan oo si joogto ah ugu dheelayay Arsenal tan iyo ciyaartiisii kowoaad ee uu u saftay Gunners ee bishii September ay la dheeleen Everton, ayaa waxa uu sheegay in qalbigiisu aanu joogin horyaalka Premier League oo uu doonayo inuu dib ugu laabto waddankiisa Spain.

“Ma jecli in aan fiirayo mustaqbalka, waxaanan doonayaa in aan horyaalka kula guuleysto Arsenal iyo in aan xulka Spain kala qayb-galo tartanka Euro 2024.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay David Raya.

Waxa uu intaa kusii daray: “Dabcan waxa aan doonayaa in aan dib ugu laabto Spain oo aan ka ciyaaro horyaalka LaLiga, laakiin waqtigan waxa aan ahay ciyaartoy Arsenal ah, waanan ku faraxsanahay in aan arko waxa ka dhacaya halkan sannadaha yar ee soo socda.”