Gargaarka loo siday Qaza oo weli ku xayiran marinka Rafax

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ay hadda ku sugan yihiin dhanka Masar ee marinka Rafah iyaga oo sugaya ogolaanshaha si ay u gaarsiiyaan dadka Qaza, sahayda degdegga ah.

 

Mohsen Sarhan oo ka tirsan keydka cuntada ee Masar ayaa sheegay in 120 baabuur oo gargaar ah ay ku sugan yihiin xadka Gaza iyo toddobo ama siddeed diyaaradood oo xamuul ah oo sahay ka keenay Turkiga”.

 

Sarxaan ayaa intaa ku daray in isaga iyo saaxiibadiisa kale ay aad uga niyad jabsan yihiin in aysan caawin Karin dadka Qaza.

 

“Aad ayaan u xanaaqnay sababtoo ah waxaan ognahay in dadka meeshaas ku nool ay ka dhammaadeen biyihii, xitaa waxaa ka dhammaaday bacaha meydka lagu rido.”

 

waxa uu sheegay in isaga iyo kooxdiisu aanay bixi doonin ilaa ay gaadhaan Qaza si ay u qaybiyaan sahayda degdega ah.