Hordhac: Liverpool Vs Everton

0
169

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda ay xafiiltamaan ee Everton kulan ka tirsan premier League kana dhici doona garoonka Anfield.

Liverpool oo aan wax guul ah gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambaysay premier League ayaa doonayasa in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Dhinaca kale Everton oo dib u heshay qaab ciyaareedkii fiicnaa ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaah xidhiidhka ah.

Kulanka: Liverpool Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Anfield

Guuldarada kali ah ee Liverpool ka soo gaadhay 28-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan waxa ay ahayd 2-0 kulan ka dhacay garoonka Anfield bishii February 2021.

Guushaas ayaa aheyd tii seddexaad ee Everton ay ku gaarto Anfield Premier League, ka dib markii ay 2-1 ku badisay 1995 iyo 1-0 ay ku badisay 1999kii.

Toffees ayaa ku guuldareystay inay gool ka dhaliyaan 26 ka mid ah 62 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Liverpool – waana rikoorkoodii ugu xumaa ee ay wajahaan koox kasta.

Kulanka Merseyside derby ayaa soo saaray 22 kaar oo casaan ah premier League waxana uu shan ka badan yahay kulamada kale.