Daadad ku dhuftay qeybo ka mid ah Magaalada Baladweyne.

0
61

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dadaad ka dhashay roobabkii xalay ka da’ay Magaalada Baladweyne iyo dadaad ka rogmaday waadiyasha soo gala magaalada ayaa buux dhaafiyay laanta kutiimbo ee xaafadda kooshin.

Qoysas badan oo guryahooda ay soo galeen dadaadka ayaa bilaabay inay ka barakacan guryahooda kuwaasoo qaarkood miciin biday hareeraha wadada laamiga ee Magaalada Baladweyne.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen