Maamulka gobolka Hiiraan oo ku baaqay in la caawiyo dadka ka barakacay fatahaada Baladweyne

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan ayaa booqday qoysas uu sameeyay roobabkii xalay ka da’ay magaalada Baladweyne kuwaasoo micin biday hareeraha wadada laamiga kadib markii daadad xoogan ay buux dhaafiyeen guryahooda.

qoysaskan oo u badan dad danyar ah islamarkana ku noola kaamanka barakacayasha iyo xaafaddaha kooshin iyo Xaawo Taako gaar ahaan laanta Kutiimbo ayaa inta badan u barakacay duleedka waqooyi ee magaalada Baladweyne.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibrahim