Manchester United Oo Guushii LABAAD Oo Xidhiidh Ah Kasoo Hoysay Premier League

0
134

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul 2-1 ah kasoo gaadhay Sheffield United oo ay booqatay, waxaanay soo hoysay guushii labaad oo xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah oo sababtay in ay sare ugu soo dallacaan kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta Premier League.

Red Devils ayaa qaybtii hore uu hoggaanka u dhiibay xiddiga khadka dhexe ee reer Scotland ee Scott McTominay oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Bruno Fernandes, hase yeeshee goolkaas waxa ka daba timid Sheffield United oo ah kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League oo hal dhibic oo kaliya ka heshay tobankii kulan ee ay ciyaartay.

Diogo Dalot ayaa dhaliyey goolka guusha oo uu bannaanka ka toogtay markii uu kubbad usoo taraarixiyey Victor Lindelof oo beddel kusoo galay ciyaarta, waxaana uu goolkaasi noqday midka saddexda dibcood u go’aamiyey Red Devils.

 

Ciyaartan oo ay hadhaysay geerida ku timid halyeygii Manchester United ee Sir Bobby Charlton oo maanta geeriyooday ayaa waxa ay Red Devils si weyn ugu dabbaal-degtay in ay kusii negaato tubta guusha ee ay xilli-ciyaareedkan ku rafaadsanayd in ay joogtayso.

Natiijada ciyaartan ayaa waxay ka dhigan tahay in Manchester United ay yeelatay 15 dhibcood oo ay ka urursatay sagaal kulan oo horyaalka Premier League ah, halka Sheffield United ay kaliya hal dhibic ka haysato sagaalkii ciyaarood ee ay dheeshay oo siddeed ka mid ah laga badiyey midna ay barbarraysay.