Qareeen dhagool ah oo taariikh ka dhigtay dood maxkamadeed

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Toddobaadkii hore, Sarah Sunny ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qareenkii ugu horreeyay ee dhagool ah oo ka doodda maxkamadda sare ee dalka Hindiya.

27-jirkan ayaa markii ugu horreysay ka soo hor muuqatay maxkamadda cadaaladda DY Chandrachud bishii Sebtembar ka dib markii maxkamaddu ay u ogolaatay turjumaan luqadda dhegoolaha inuu ka caawiyo dooda.

Lixdii Oktoobar, maxkamaddu waxay sidoo kale magacawday turjumaan gaar ah Sarah Sunny, oo ah tii ugu horreysay taariikhda maxkamadda, si “ay u fahamto waxa socda” inta ay socoto dacwaddu.

“Runtii, waxaan ku filaynaa in xilliyada dhageysiga dasturka aan yeelan doono turjumaan si qof walba uu ula socdo dacwadda,” ayuu yiri garsoore Chandrachud.

Kormeerayaasha ayaa sheegaya in joogitaanka Sarah Sunny ee maxkamada sare ay gacan ka geysan doonto in nidaamka sharciga Hindiya uu noqdo mid loo siman yahay oo la jaan qaada baahiyaha bulshada dhagoolayaasha.