Wado la saarayo Interlock oo laga dhagax dhigay degmada Xamar weyn ee gobolka Banaadir.

0
94

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddada halbowla ah oo dhaxmarta suuqa Degmada Xamar Weyne.

madasha dhagax dhiga waxa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka banaadir Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Sheekh iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi