Todobaadka akhriska iyo qoraalka warbaahinta caalamiga ah oo maanta dunida laga xusayo.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Todobaadka Akhriska iyo Qoraalka Warbaahinta Caalamiga ah, oo sanad walba la xuso maanta oo kale waa munaasabad weyn oo lagu abaabulo daneeyayaasha caalamka si ay kor loogu qaado wacyiga qaranka looguna dabaaldego horumarka laga gaarey dhanka Warbaahinta iyo Akhriska.

Aqriska iyo qoraalka ayaa kaalin ka qaata hormarka dalka,ineey ogaadaan bulshada waxa cusub ‘in la caawiyo dadka danta yar ee ay warbaahinta kusoo daabacaan qoraayaasha

Qaramada midoobay ayaa go-aansatay in la xuso maalintan si loo hormariyo qoraalka warbaahinta iyadoo la adeegsanayo luuqadaha kala duwan ee dunida.

Sannadkii 1972-kii, golaha loo dhan yahay waxa uu asaasay maalintan si indhaha caalamka loogu soo jeediyo wanaajinta baahinta wararka iyo abaabulka ra’yiga dadweynaha, gaar
ahaan dhallinyarada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Cumar Maxamed Soomane ayaa ka waramaya muhiimadda maalintan iyo ka wadaarad ahaan waxa ay ka qabteen hormarinta Aqriska iyo qoraalka warbaahinta.

Qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa sanadkaan ay kusoo kordhiyeen Sara u qaadiddda xirfadda warbaahinta iyo qoraalka.

Ustaad cali bareey oo kamid qoraayaasha ku nool magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay ahmiyadda ay leedahay wax aqriska iyo qoraalka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.